Kulan ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ku dhawaad 50 Xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirilfle iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa kusoo dhamaada Fashil kadib markii ay labada dhinac isku afgaran waayeen waxyaabihii ay isla soo qaadeen. Xildhibaanaduna ay hoolka ka soo dareereen madaxwaynaha oo hadlaaya oo aan dhameysan talo soo jeedintiisa.
Xildhibaan Yacquub Cali oo Goordhow Wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa hoosta ka xariiqay Madaxwayne Xasan Sheekh inuu ku fashilmay cadaalad u samaynta qabaa’ilaadka Soomaalida.
Yacquub ayaa sheegay in kulankii Maanta uu goob joog ka ahaa Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoona xusay in ay iskaga soo kaceen kulanka markii ay isku fahmi waayeen Madaxwaynaha.
Arintani ayaa timid kadib markii Xilkii laga qaaday Talihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed Jeneral Shariif Sheekhunaa Maye oo kasoo jeeday beelaha Digil iyo Mirifle.
Dhagesyo
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Xildhibaan-Yacquub.mp3]
Idale News Muqdisho