In ka badan lix dhallinyaro ah ayaa maanta laga qabtay magaalada B/Weyne kaddib markii ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ay howlgallo ka sameeyeen magaalada B/Weyne, iyadoo dhallinyaradaasi la dhigay xabsiga saldhigga magaaladaasi halkaasi oo lagu bilaabay baaritaanno la xariira dembiyada lagu soo eedeeyay.

Sidoo kale degaano kale oo ka tirsan magaalada B/Weyne ayaa waxaa maanta howlgallo kuwaan la socda waxaa iyana ka fulinayay ciidamada Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo iyagu bixiyay macluumaadka lagu soo qabqabtay lixda dhallinyarada ah oo sheegaya caddeymo la xariira in dhallinyaradani ay ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Dhallinyarada B/Weyne laga soo qabqabtay ayaa la sheegayaa inaysan wadan wax hub ah ama walxaha qarxa, iyadoo iminka baaritaano dheeraad ah loogu jiro halka ay dhigteen qalabkii ay wateen.
Idale News Muqdisho