Dayuuradaha dagaalka ee Israel ayaa duqeeyay gudaha dalka Siiriya iyadoo weerarkan uu ahaa mid Israel ay dooneysay in ay ku duqeyso baqaaro hubka lagu keydiyo.
Weerarkan oo dhacay habeenimadii Jimcaha soo galaysay ayaan u muuqan mid ay halka la duqeeyay aysan ahayn meel lagu keydiyo hubka kimikalka ah, sida ay sheegeen saraakiil ka hadashay weerarkan ayaa loo geystay baqaaro lagu keydiyo hubka.
Dowlada Maraykanka ayaan ka hadlin arrinkan, balse xukuumada Israel ayaa rumeysan in ururka Xisbullah ee u uhogaamiyo Sheekh Xasan Nasrullah uu kaalmeynayo dowlada uu madaxweynaha ka yahay Bashar Al-Assad.
Hogaamiyaha Xisbullah ayaa dhowaan sheegay in uu taageerayo madaxweynaha dalka Siiriya haddii loo baahdo si loo soo afjaro kacdoonka mudada labada sano ah ka jira dalka Siiriya.
