Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Real Madrid Iyo Borussia Dortmond

0
239

images

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa hada hogaanka u haya kulankaan ka dib markii lugtii hore ku soo adkaatay  4-1 ,waxa ayna iminka dooneysaa in sufudud ay ku daafto kooxda ku ciyaarta garoonka Bernabeu .

Real Madrid ayaa kulankaan waxaa usoo laabanaya daafacooda Alvaro Arbeloa oo lugtii hore ganaax kaga maqnaa kooxda,ciyaaryahanka Pepe ayaa kursiga keydka dib ugu laaban doono halka ciyaaryahanda  Sergio Ramos iyo Raphael Varane ay ku midoobi doonaan ka ciyaarista qalbada dhexe ee daafaca.

Angel Di Maria ayaa kulankaan lagu soo bilaabi doonaa ka dib markii uu kulankii hore kursiga keydka ku soo bilaawday, iyadoona markaas ay dhalatay gabadhiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa tababarka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu dhaawac yar soo gaaray waxa uuna kulankaan ku soo bilaaban doonaa safka hore .

Ugu danbeyntii Gonzalo Higuain ayaa mar kale nasiib u helaya in qeybta weerarka lagu soo bilaabo,sidoo kale Karim Benzema ayay macquul tahay in lagu soo bilaabo.

Macalinka kooxda Burussia Dortmond Jurgen Klopp ayaa waxa uu doonayaa in kulankaan uu soo magacaabo xidigihii todobaadkii hore kala diray kooxda Real Madrid ,ciyaaryahanka Lukasz Piszczek ayaa la tacaalaya dhaawac yar uu qabo ,balse waxa ay kooxda ku soo bilaabi doontaa daafaca ciyaaryahanada kala ah Neven Subotic, Mats Hummels iyo Marcel Schmelzer.

Ciyaaryahanada  Felipe Santana, Mitchell Langerak, Moritz Leitner, Oliver Kirch iyoJulian Schieber ayaa dhamantood lagu soo bilaabay kulankii Fortuna Dusseldorf ,balse kulankaan waxaa laga door bidayaa ciyaartooyda waaweyn.

Mala Socotaa?

Real Madrid ayaa waxa ay codsaneysaa in markeedii 13-aad ay gaarto kama danbeysta tartankaan ,sanadkii ugu danbeeyay oo qeybtaan oo kale lagu reebo waxa ay 1981. Kooxda BVB ayaa ebedkeed hal mar soo gartay kama danbeysta koobka waxa ayna eheyd sanadkii 1997 markaas oo ay soo reebtay kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo goolkii uu dhaliyay lugtii koowaad ayaa waxa uu noqday goolkiisii 50-aad uu tartankan ka dhaliyay.

Jose Mourinho kooxdiisa ayaa sanadkii hore waxaa soo reebtay kooxda  Bayern Munich ,waana sanadkii sadaxaad oo is ku xigta oo kooxda Madrid soo gaareyso wareega afar dhamaadka.

Taariikhda inta la og yahay hal koox oo kaliya ayaa soo baxday iyado oo lugtii koowaad looga badyay 4-1 kooxdaasna waa kooxda Deportive La Coruna ,waxa ayna lugtii labaad ku adkaatay 4-0 sidaas ayay ugu gudubtay wareega kale kooxda sidaas la yeelay waxa ay eheyd kooxda AC Milan,waxaana laga yaabaa in kulankaan ay dhici karto wixii markaas dhacay.

Borussia Dortmund ayaa markii ay marxaladaan soo gaaraysay waxa ay is ku celcelis ahaan ugu soo baxday 3-2 kooxda reer Spain ee Malaga,xitaa goolasha waxa ay heshay waqtiga dhimashada.

Naadiga BVB  ayaa waxa ka adkaatay kooxda Real Madrid sanadkii 1998 mar ay hal guruub ku wada jireen .

Robert Lewandowski ayaa waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kooxda Madrid afar gool ka dhaliyay koobka Champions League lugta koowaad.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo kulanka

Real Madrid

López

Arbeloa • Ramos • Pepe • Marcelo

Alonso • Khedira

Ronaldo • Özil • María

Higuaín

Borussia Dortmond

Weidenfeller

Großkreutz • Hummels • Subotić • Schmelzer

Bender • Gündogan

Błaszczykowski • Götze • Reus

Lewandowski

Garoonka: Santiago Bernabéu — Madrid

Garsooraha: H. Webb‎

Saacada Geeska Afrika: 9:45

Idale Sports Muqdisho