Maxkamad ku taala dalka India ayaa xukun shan sano ah ku riday actor-ka caanka ah ee Salman Khan, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay sanadkii 1998 Ugaarsi sharci daro ah.
Maxkamada oo magaalada Jodhpur ayaa sidoo kale Salman Khan ku ganaaxday lacag gaareyso 10,000 oo rubi lacagta India una dhiganta 154 doolar.
Mr Salman Khan ayaa la sheegay inuu ugaarsigaasi uu ku dilay labo kamid ah cowsha India, xilli uu ku sugnaa gobolka Galbeedka ku yaala ee Rajasthan.
Khan, ayaa la sheegay in dilka uu geystay xilli uu film jilayay, waxaana maxkamada India ay cafis u fidisay afar ruux oo film-ka la jilayay Salman Khan.
Mr Khan ayaa marar badan kasoo muuqday maxkamad, waxaana sanadkii 2015 lasoo gabo gabeeyay dacwad loo heystay oo aheyd inuu gaari dul mariyay ruux hoy la’aan ahaa.
Tani waxay noqonaysaa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanadka isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.