Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Magaala madaxda Gobolka Jubada Hoose .ayaa sheegaya in Maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi lagu soo gaba gabeeyay Shir muddo halkaa uga soconayay Odoyaasha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka.
Shirkan oo Odoyaashaas ay kaga hadlayeen saami qaybsiga Goboladaas iyo Degmooyinkooda ayaa waxa ay Odoyaashan ka arrinsanayeen isla markaana ay soo xulayeen xubnihii Beelahaas u matali lahaa maamulka Jubba land.

Mid ka mid ah Odayaashii Shirkaas ka qayb galay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta uu u soo gaba gaboobmay kulan muddo ay halkaa ku lahaayeen taasoo Beelaha ay soo xulayeen Maamulada degmooyinka iyo Gobolada Jubbooyinka.
Odeygan ayaa ugu danbeyntii sheegey in gebi ahaanba hawlihii shirka ay soo dhamaadeen haatana ay dib ugu laabanayaan Xarunta Jaamicadda Kismaayo halkaaso ay ku sugan yihiin Ergada la filayo in dhawaan ay doortaan Madaxweynihii Jubba Land.
Warar goor sii horeysey soo baxay ayaa sheegayay in laga yaabo in Todobaadkan gudihiisa ay Magaalada kismaayo ka dhacdo Doorashadii Madaxweynaha Jubba land iyadoo si gaar ahna wararku sheegayaan in ay noqon karto Maalinimada Arbacada ah ee soo socota.
Si kasta ha ahaatee shirka maamul u samaynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxa uu halkaa ka soconayay muddo Seddax Bilood ah isagoona soo maray marxalado kala duwan.
Idale News Muqdisho