Gobolka Jubbada hoose:Ciidamada Xoogga oo guulo ka gaaray Dagaal Al-shabaab looga saaray deegaanadaas ka tirsan….

0
199

Xasan Aadan oo ka tirsan Taliyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubbaland ee deegaanada Jubbaland ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay Dagaal  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed shalay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada hoose oo ay maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xasan Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland oo iskaashanaaya ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka saareen deegaanada Baar sanguuni,Gosha iyo miir kori halkaas oo maleeshiyada Al-shabaab ku sugnaayeen iyagoo dhibaatooyin kala duwan ku haayay Shacabka Soomaaliyeed hasayeeshee Ciidamada Xoogga Dalka u sooro gashay in nabad iyo nolal diidka kala wareegaan gacan ku haynta deegaanadaasi.

Dagaalkaan oo qaatay saacado badan ayna ka qeyb qaateen diyaarado Dagaal ayuu sheegay Taliye Xasan Aadan in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare Xoogan isagoona tilmaamay in Ciidamada Xoogga aysan gaarin wax khasaare ah maadaamada Dagaalku ahaa mid qorsheysan.