Shabeellaha Hoose:Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay howl gal ka dhacay

0
195

Idaacad ku hadasha codka Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegtay in howl gal ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska iyo Ciidamo Mareykan ah oo xalay ka dhacay degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay xubno uu ka mid ahaa Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Idaacadda oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxay sheegtay in howl galka lagu dilay labo xubnood kale oo magacyadooda ku kala sheegtay Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Sidoo kale wiilka uu dhalay Hoggaamiyaha Al-Shabaab ee lagu dilay howl galka ayaa isna magaciisa lagu sheegay Xasan Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Illaa iyo hada lama haayo caddeyn rasmi ah oo xaqiijinaya warkan, hase ahaatee Idaacada ayaa sheegtay in dib ka soo sheegi doonaan saraakiisha lagu dilay howl galka xilalka ay hayeen.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageeraya ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howl galo ka fuliyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.