War Xasaasi ah:Cabdi Xaashi oo ka digay in Wadahadalka Somalia & S/land loo adeegsado dano dhaqaalo iyo mid qabiil..

0
199

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane; Cabdi Xaashi C/laahi ,ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Qoys qura oo ayan sinnaba ku kala tegi karayn, balse uu dhaliilayo qaabka loo adeegsado mararka qaarkood.

Mr; Xaashi oo ka hadlayay furitaanka kal fadhiga Saddexaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in dano gaar ah lagu lifaaqo siyaasadda Soomaaliya, balse loo maro dhanka waddaniyadda.

Mar uu ka hadlayay midnimada Soomaaliya iyo wada hadalka Soomaaliland ayaa wuxuu soo jeediyay in daacad laga noqdo, maaddaama aan sinnaba lagu kala tegi karayn, wuxuuna codsaday in xubnaha ka qaybta ah wada xaajoodka aysan noqon Dad wata dan qabiil, mid gaar ah iyo mid dhaqaale , balse laga doonayo inay noqdaan Dad ay dhab ka tahay waddaniyad  Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka ayaa sheegay in si loo gaaro Midnimo dhab ah ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisiin dhab ah, wuxuuna  intaa raaciyay in meelo Dalka ka mid ah ay ka jiraan colaado Siyaasadaysan, wuxuuna codsaday in loo guntado sidii loo xallin lahaa, taasoo ay hormuud ka yihiin Culimaa’udiinka, wax garadka Bulshada iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed.