Topnew:howl gal xalay ciidamada Xasilinta Caasimadda ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan…

0
197

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl gal xalay ciidamada Xasilinta Caasimadda ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, kaasoo lagu qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo guryaha laga soo saaray.

Howl galkan ayaa qeyb ka ah howl galada ay dhowaan ku dhawaaqday Xukuumadda ee ku aadan sugida amniga Caasimadda.

Howl galkii xalay ayaa laga sameeyay xaafadaha Taleex, Zone K iyo Siigaale, iyadoo ciidamada ay guryaha baarayaan, isla markaana dhalinyarada banaanka u soo saaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in boqolaalka ruux ee lagu qabtay intii howl galka socday la isugu keenay meel fagaare ah, kaddibna la sii daayay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan howl galka xalay laga sameeyay degmada.

Howl galkan xalay laga sameeyay degmada Hodan ayaa ku soo aaday, iyadoo shalay lagu dilay Guddoomiye waaxeed, waxaana kooxdii dilka geysatay la sheegay inay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay howl galada, kaddib markii ay todobaadyo ka hor magaalada ka dhaceen qaraxyo.