Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu falan-qeeyey hab dhinac waliba leh ee wax looga qaban karo xaaladda amniga caasimadda, kaas oo aad muhiim u ah, maadaama la diyaariyey ciidamo isku dhafan oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab ay geystaan.
Guddoomiye Eng. Yarisow oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday halka uu marayo qorshaha wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka, iyada oo la kaashanayo qeybaha ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii guul mirro dhal ah looga gaari lahaa xasillinta Caasimadda.
“Xasillinta amniga Caasimaddu ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad si joogto ah uga ka qeyb-qaadataan, adinkoo la imaanaya wax-qabad kaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena, waana in aad qaadataan masuuliyad naga wada saaran arrintan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.