Muqdisho:Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo soo gaaray

0
205

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa booqan doona Safaaradda iyo Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo boqolaal askari lagu tababaro.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo xarun loo dhisi doono Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa la kulmi doona Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.