Dalka Benin: Shir ay isugu yimaadeen in ka badan 26 Dal oo ka tirsan Dowladaha Islaanka (OIC)

0
211

Manata Waxaa ka furmay Dalka Benin ee ku yaala galbeedka Africa magaalda Cotonou Shir ay isugu yimaadeen in ka badan 26 Dal oo ka tirsan Dowladaha Islaanka (OIC) wakiilo ka socda Golaayaashooda saxaafadda iyo waliilo ka socda Wasaaradaha warfaafinta.

Kulanka Waa midkii 6aad wuxuna socon doona 2 malamood 19-20 feb 2018, Waana kulan guud oo wadamada islaamka loo qabto sanadkiiba mar, waxaana soo qabanqaabiyay Hey’addda warbaahinta wadamada islaamka ee loo yaqanao (IBRAF)
Waxaana looga hadlaya sida darasad iyo sharaxaad loogu sameyn lahaa cabsida laga qaaday islaamka, hormarin iyo tababarrana loogu sameyn lahaa Warbaahinta dowaladaha islaamka iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladaha Islaamka.

Waxaa jooga Wadamo badan oo marti ah iyo wakiilo ka socda hey’ado caalmai ah.