Baarlamaanka Galmudug oo si aqlibiyad ah u ansixiyay Golaha Wasiirada maamulkaas

0
196

Idalenews:Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee maamulkaas, kaddib markii ay maanta kulan ku yeesheen magaalada Cadaado.

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Golihiisa Wasiirada hor-geeyay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah oo ay u qaadeen waxaa ansixiyay 52, halka 5 Mudane diiday, wax ka aamusay ma jirto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xukuumadda ay ansax tahay, waxaana uu ku wargeliyay in wixii hada ka dambeeyay ay guda galaan howlahooda, lalana xisaabtami doono.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ka kooban 52 Wasiir isugu jira Wasiir, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowle, waxaa ay u badan yihiin Wasiiradii hore ee C/kariin Guuleed