Friday, May 9, 2025
Home Idale Somali News Update G/Gobolka Shabellaha hoose oo u kuur galay Xaalada amni ee…

G/Gobolka Shabellaha hoose oo u kuur galay Xaalada amni ee…

0
199

http://idalenews.con/wp-content/uploads/2017/08/vlcsnap-error880.png

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Gobolka iyo Masuuliyin kale ayaa kormeer ku sameeyay Wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka KM-50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in ay masuuliyiinta gobolka u kuurgalaan xaalada amni ee wadada, maadaama ay muhiim u tahay isku socodka gaadidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo maamulka deegaanka, wuxuuna kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xaalada amni ee wadadaasi iyo deegaanka KM-50.

Guddoomiyaha deegaanka KM-50 Cabullahi  Cali Axmed Waafow  ayaa  gudoomiyaha gobolka Shabellaha hoose uga mahadceliyay booqasahda uu ku yimid daegaanka, isagoona sheegay in xaalada amni ee deegaanka ka jirta ay tahay mid la isku haleyn karo.

Guddoomiyaha  gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka KM-50 ugu baaqay in ay ka qeybqaataan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoona sheegay in howlgalka lagu baacsanayo argagixisada Al shabaab ee ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka shabellaha hoose uu sii soconayo.

Dhawaan ayaa ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya waxay la wareegeen deegaanka Bariire iyo Tulooyin hoos yimaada iyadoo maamulka gobolka Shabellaha hoose uu sheegay in deegaanada lagala wareegay Al shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka Dowliga ah.