Idalenews:wararka naga soo gaadhaayo ayaa waxay tabiyaan in saaka howl gal ballaaran uu ka socdo xaafado ka tirsan degmadaas, kaddib markii xalay gudaha u soo galeen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen Buundada yar iyo xaafadaha ku dhow dhow
Sidoo kale waxa ay weerar ka soo qaaday dhanka wabiga, waxaana si lama filaan ah ay gudaha u soo galeen degmada Afgooye.
Haba ahaa tee ,Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, waxaana saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaan ka wadaan xaafadaha qaar ee xalay iska hor imaadka ka dhacay.
Weerarka Al-Shabaab xalay ku soo qaaday Afgooye ayaa jawaab u ah howl galada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ku sugan yihiin, iyadoo la wareegay deegaanka Bariire.