Daacish:Argagixisada oo dhul ballaaran looga qabsaday magaalada Tal Cafar ee Ciraq

0
195

Idalenews:Howlgal military oo balaaran oo ka dhan ah argagixisada Daacish ayaa ka bilowday magaalada Tal Cafar ee dalka Ciraaq, malin ka hor markii ra’iisul wasaaraha dalkaasi uu ku dhawaaqey duulaan ka dhan ah ISIS iyo xulafadeeda

Militariga Ciraaq ayaa ku guuleystay in ay ka qabsadaan maleeshiyada Daacish deegaano dhowr ah, kuwaasi oo hoostaga magaalada Tal afar oo u dhow magaalaad Mouse lee dhacda Waqooyiga Ciraaq.

Xaydar Al-Cabaadi Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Ciraaq ayaa shacabka u sheegay in maleeshiyaadkaasi ay u furantahay in ay isdhiibaan amama la laayo.

Tal Cafar oo ay wada degaan Suniyiinta iyo Shiicada dalkaasi, ayaa sanadkii 2014 gacanta u gashay argagixisada Daacish,kuwaasi oo haatan la wiiqey inta badan awoodii ay dalkaasi ku lahaayeen.

Magaaladan ayaa waxaa marta waddo muhiim ah oo isku xirta Mosul iyo soohdinta Suuriya, taasoo kooxahaasi ay u isticmaalaan in ay saadka marsadaan.

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in kumanaan qof ay bilaabeen in ay ka cararaan guriyohooda, kadib markii uu halkaasi ka bilwoday dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha argagixisada ah ee ISIS.