Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaladaasi ay soo gareen Ciidamo ka tirsan Guutada kowaad ee Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
Ciidamadan oo ku hubaysan Gadiidka Dagaalka ayaa si nabad galiyo ah ku soo garay magaalada Kismaayo waxaayna markiba dageen Warshada Hilibka oo ay horay u dagnayeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Guutada Kowaad.
Ciidamadaan ayaa waxaay mudo dhan 10 bari ku soo jireen Wadada u dhexeysa Ceelwaaq iyo Kismaayo waxaana halkaasi ku helay robab mahiigan ah oo ka da,ay gobolka.
Captein Cabdilahi Musse bayow oo ka tirsan Ciidamada Guutada kowaad ee manta soo galay ka tirsan ayaa waxaa uu warbaahinta u shegay in ay Kismaayo u yimadan in ay ka qayb galan Howlgalada Amaanka Kismaayo iyo kan Gobolka Lagu sugayo waxaa uu sido kale sheegay in imatinkooda u ahaa mid la isla gartay oo aysan jirin wax khilaaf ah.
Maalmihi ugu danbeyay Gobolka Jubbada Hose ayaa waxaa soo garayay Ciidamo aad u badan oo ka kala imanaya Gobolada ay ka koobantahay Jubbaland waxana saraakisha ugu saraysa Ciidamada Jubbaland ay qorshaynayaan in Marki Maamulka Jubbaland lagu dhawaaqo ay horay ka bilaaban Howlgalo lagu xoreynayo Deeganada gacanta ugu jira Xogaga Al-Shabaab.
Idale News Muqdisho