Idalenews-Buulo Burde Maamulka Degmada Buula Burde ayaa durbaba bilaabay kor u qaadida bilicda Magaaada, iyadoo Maamulka oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Mudane Cabdi Daahir Guure iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada ayaa howlo nadaafadeed ka sameeyay Bartamaha Magaalada, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Guddoomiyaha ee horumarinta Magaalada.
Meelaha howlaha Nadaafadeed laga bilaabay ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Maamulka,Maxkamadda,iyo afaafka hore ee Masaajidka weyn ee ku yaala bartamaha Magaalada, waxaana talaabadani bilowga ah soo dhoweeyay Bulshada ku dhaqan Degmada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Bula Burde Mudane Cabdi Daahir Guure ayaa furay Waddada laamiga ah ee dhexmarta Magaalada taasi oo muddo u xirneed Ciidamada Amisom, iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana waddadaasi ay tahay mid shacabka ay isticmaali karaan, waxaana ay ku timid in la furo waadadaasi kulamo xiriir ah oo dhex maray Guddoomiyaha iyo Saraakiisha Ciidamada.
Guddoomiyaha Dagmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan Mudane Cabdi Daahir Guure oo warbaahinta la hadlay xilli ay ku howlanaayeen howlahaasi nadaafadda ayaa sheegay in ay doonayaan in magaalada ay isbedel ka sameeyaan, islamarkaana ay ka shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa, tanina ay qeyb ka tahay dadaalada ay ku doonayaan sidii bilicda Magaalada kor loogu qaadi lahaa.
Waa talaabadii ugu horeysay oo uu qaado maamulka Cusub ee Dagmada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan tan iyo markii la magacaabay Maamulkaasi.