Wadanka Mareykanka oo goordhow eryay Dibolomaasiyiin Kubaan ah

0
210

Idalenews-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dalkeeda ka erisay laba dibolomaasiyiin u dhashay waddanka Kuba saababo la xiriira dhacdo sabababtay xagga caafimaadka shaqaale Mareykan ah oo ka shaqeynayay safaaradda Havana ee Caasimadda dalka kuba.

Afhayeenad u hadashay waaxda arrimaha Dibadda Mareyka Heather Nauert ayaa shir jara’id ka sheegtay in dhacdan ay markii u horeysay maqleen dhamaadkii sanadkii 2016kii ayna soo gaarsiyeen shaqaale Mareykanka ah oo ka shaqeynayay Safaradda Mareykanka ee Kuba in qaar ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ee Safaaradaasi ay qabaan cudur xagga jirka ah.

Dhanka kale Dowladda Kuba ayaa dhankeeda ka xaqiijisay dhacdadan, waxaayna sheegtay inay aad ugu xuntahay talaabada uu Mareykanku dalkiisa kaga eryay dibolomaasiyiintooda.

Sida laga warqabo Dowladda Mareykanka ayaa Nus qarni kadib, dib u soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd Kuba sanadkii 2015 kii, lakin xiriirkaasi waxa uu mugdi galay Markii uu xukunka dalka Mareykanka la wareeyay Madaxweyne Donald Trump.