Deg deg xildhibaanada Golaha shacabka oo goordhow meel mariyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

0
191

Idalenews-Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo dhowaan uu Baarlamaanka hor-keenay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur.

Kulanka Xildhibaanada oo soo xaadirtay 159 mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Sharciga oo maanta galay akhrintiisa 3aad ayaa waxaa loo guda galay in cod loo qaado, waxaana cod gacan taag ah ay Xildhibaanada ku meel mariyeen 158 mudane oo ogolaatay iyo Hal Xildhibaan oo diiday.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada golaha shacabka ansixinta sharcigan oo uu xusay inuu yahay mid muhiim u ah dalka.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa ahaa mid muddo soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer wax ka bedel ku sameeyeen wasiiradii soo maray Wasaaraddaas, inkastoo aanay ku guuleysan inay Baarlamaanka marsiiyaan.