Idalenews-Shirka ayaa waxuu kadhacay Tuulada Garasweyn, waxaana looga hadlay tabashooyin ay Qabeen labada dhinac,iyadoo lagu guuleystay in xal laga gaaro tabashooyinkooda sida ay sheegeen dhax-dhaxaadiyaasha shirka oo isugu jiray maamulka culimaa’udiinka iyo waxgaradka.
Xasan Cusmaan Ceynt oo kamid ah qaban qaabiyaasha gogasha ayaa sheegey in la isku afgartay in gogol kale la isugu yimaado, islamarkaana laga soo saaro qodobo lagu soo afjarayo dagaaladaasi soo noq noqday.
Dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Balcad ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhawac ayadoo qoysas badan oo dagaalka uu saameeyena ay guriyohooda ka barakaceen.
Waxgaradka ku howlan dadaalada nabadeed ayaa sheegey in laganaaxi doono dhinicii ku xadgudba heshiiskaasi nabadeed oo in muddo ah laga soo shaqeynayay.
Intabadan dagaalada ka dhacay gobolada dalka ayaa ka dhasha muran dhuleed, ceelbiyood iyo dhaaqsin, maadaama dadka badi ay yihiin beeralay iyo xoola dhaqato.