Idalenews-Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war qoraal ah oo ay xalay soo saareen ku cambaareeyay weerarkii Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab ay ku qaadeen ciidamada Uganda ee Amisom qeybta ka ah ee ka dhacay Axaddii deegaanka Golweyn ee ku dhow Buula-Mareer Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkaasi oo lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidmada Uganda oo galbineysay sahay ciidan ayaa waxaa ku dhintay 12 askari, todoba kalena waa lagu dhaawacay.
Golaha Amaanka ayaa tacsi u diray qoysaska askarti geeriyootay, soo kabashana u rajeeyay kuwii dhaawacmay.
Goluhu waxa uu sheegay in argagixisadu waji kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee heysata amaanka dunida, waxeyna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in kuwa dambiyada galaa, kuwa abaabula iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyaaba la horgeeyo cadaaladda.
Goluhu waxay ku ceceliyeen sida ay uga go’antahay taageerista nabadda xasiloonida, iyo horumarinta Soomaaliya. Waxeyna sheegeen in weerar argagixiso oo kuwo arxan daran ay geystaan in aanu wiiqi doonin ka go’naanshahooda taageeridda Soomaaliya .