Idalenews-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta Kismaayo kula kulmay Taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka ee Africimo Gen. David J. Furness, oo uu weheliyay madaxa Ciidamada AMISOM Soomaaliya Gen Cusmaan Nuur Subagle, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Saraakiil kale oo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya qeyb ka ah.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulanka diirada lagu saaray hawlgalka lagu xoraynayo Gobolka Jubada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubada hoose oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa ka taageeraya dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana Taliska Africom uu horay uga qeyb qaatay howl gallo ka dhan ahaa Al-Shabaab oo laga sameeyay Koofurta Soomaaliya
Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahad celiyay Howlgalka Africom uga mahad celiyay sida ay isugu dhabar jabinayaan tageerada ay siinayaan Soomaalida sidii ay dhulkooda nabad uga dhigan lahayeen.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaayeen deegaanada ay gacanta ku hayaan, sidaas darteedna ay u baahan yihiin kaalmo caalami ah.