Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa dhaliiley mashaariicda dowlada Turkiga ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna ku eedeeyey dowlada Turkiga iney uga baxdey balamo badan oo ahaa iney deegaanada Puntland ay wax ka qabaneyso, waxuuna faroole sheegey in Turkiga uu ku bururey oo kaliya gudaha magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegey in Turkiga bedelkiisa ay iskaashi waxqabad la sameysey dowlada Talaayinga oo munaasabadii maaanta ku uGu deeqay maamulka Puntland baabuur dhowr ah oo loogu talagaley in ku howlgalaan ciidamada booliiska maamulka Puntland baabuurtaas oo gaaraaya ilaa 15 baabuurta booliiska loogu talogaley, kuwaasoo ay u dhan yihiin aqabkii kale ee isgaarsiinta ee ay ku wada xiriiri lahaayeen xarumaha booliiska.
Idale News Garoowe.