Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia oo sheegay in Somaliland ay waxbadan tawaneyso

0
231

ppopppppooooooijmghv vxcfcxd

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somaaliya Md. Cabdikariin Xuseen Gulled oo horumuud u ahaa Wafdigii dhawaan ka qeybgalay Wada xaajoodkii u dhexeeyay Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somalilan, ayaa waxa uu ka hadlay Arintaasi isagoona sheegay in Maamulka Somaliland ay waxbadan tawanayaan isla markaana loo baahan yahay in laga raali galiyo.

C/kariin Xuseen Gulled ayaa waxa uu yiri ” Runtii waxaa jira xanuuno badan oo soo gaaray Somaliland loona baahanyahay in looga garaabo, kaasoo ku qasbay inay yiraahdaan Somaliya inteeda kale waan ka go’aynaa”

Wuxuu sheegay Somaliland iminka sidii hore ee ahayd inay ku adkaystaan Soomaaliya inaysan wax wada hadal ah la galayn xaaladu iska badashay, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada Somalidu wada hadalka inay ka qayb qaataan si ay markale usoo laabato Midnimadii Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu Bulshadda Somaaliyeed ugu baaqay inay la soo baxaan Maskax wax looga qabto Hamiga ay la tiiraanyo dhacayaan Maamulka Somaliland oo ku aadan inay ka go’aan Somalia inteeda kale, waxa uuna Wasiirku sheegay in Arrintaasi xalkeeda laga sugaayo Aqoonyahaanada, Ganacsatada iyo Diplomaasiyiinta.

Idale News Muqdisho