Ninkaan ayaa wuxuu askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu maanta ku dilay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, markii uu si gaadmo leh uu ula dhacay dhawr xabadood.
Xilli askariga uusan fileynin in wax weerar ah lagu soo qaadaayo, ayuu ninkaan uu askarigii uu ku dhuftay dhawr xabadood, laakiin waxaa markiiba ku soo baxay Ciidamada Dowladda.
Ciidamada Nabad Suggida ee Isgoyska Baar Ubax ku sugan oo ninkaan ceyrsaday, ayaa waxay ku guuleysteen inay isna dilaan ninkaan.
Ciidamada Nabad Suggida ayaa waxay horey ninkaan horey uga soo qaateen bistooladii uu ku dilay askarigaan, oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Dowladda.
Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida ee Suuqa Bakaara Col. C/raxmaan Axmed Caraale (Xerow), ayaa wuxuu Saxaafada uu u sheegay inay qaarajiyeen gacan ku dhiiglaha.
Idale News Muqdisho