Madaxweyne Xassan Sheikh oo Shirka Tana Forum ka jeediyay Khudbad Murjisay Madaxdii Shirkaasi ka qeybgalay

0
237

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waxa Shirka Tana Forum ka jeediyay Khudbad dheer oo uu kaga hadlaayay Ammaanka Dalka Somalia iyo halka ay Dowladiisu wax marsiineyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Khudbadiisa diirada ku saaray Ammaanka iminka ka jira Somalia gaar ahaan Magaaladda Muqdisho iyo deegaanada ku xeen-daaban ayuu waxa uu si ay kalsooni ku jirto Madaxda isugu yimid Shirka uga codsaday inay riixaan Dowladda Somalia, waxa uu sheegay in Ammaanka iyo Xasiloonida Somalia ay tahay mid dan ay ugu jirto Dowladaha Africa, isagoona Carabka ku dhuftay in Arrintaasi looga gudbi karo in Dowladaha Africa Awoodooda isugu geeyan la dagaalanka Argagixisadda.

66666666666Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shirka ka jeediyay Khudban Geesinimo xinbaarsan ayaa waxa uu yiri “Africa waa in ay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagida danbiyadda qorsheysan. Danbi waa danbi cid walbo oo geysato waa isla mid.Qiil ma laho, waana in lagula dagaalamo qaab military iyo qaab siyasadeed.” Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Xassan Sheikh.

Madaxweynaha oo intaa ka sii ambaqaadaya Haddalkiisa ayuu waxa uu yiri “ Waxaan aaminsanahay in dhamanteen amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo amni wanaagsan leh. Anaga deris-keena wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo nabad iyo amni ah.”

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Madaxweynaha ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyay Mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sheikh  Cabdulkadir.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa waxa uu gabagabada hadalkiisa Madaxda Shirka isugu yimid kula dardaarmay inay indhaha kala furan isla markaana ka shaqeeyaan sidii Somalia looga xaalufin lahaa Haraadiga Argagixisadda Somalia ee ALshabaab kuwaasoo uu ku sheegay inay Khatar ku yihiin Ammaanka iyo Xasiloonida Africa.

Idale News Muqdisho