Pentagon oo ballaarinaya hawlgalada uu ka fuliyo Soomaaliya

0
241

Washington(INO)- Pentagon oo ah taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu ballaariyo hawlgalada uu ka fuliyo Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu wadaa hadaba in dhawaan ay kusoo darmaan ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in la ballaariyo hawlaha ay qaban karaan.

Arinkaa ayaa dawlada Mareykanku sheegtay in looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dawlada Madaxweyne C\Laahi Farmaajo si baa la yiri looga adkaado xarakada al-Shabaab.

Haatan ayaa Soomaaliya waxaa ku sugan 50 askari oo Mareykan ah. Ogolaanshaha ay heysteen wixii hada ka horeeyay ayaa ahaa talo bixin iyo cawimaad.

Soomaaliya ayaa dagaal sokeeye uu ka taagnaa laga soo bilaabo markii dawladii dhexe burburtay sanadkii 1991.