Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi ay go,an lagu kala reebayo musharaxiinta badan ee beesha ka soo sareen Odayaasha Beesha Absame.
Kulan u socday Odayaasha Beesha Absame mudo dhan 7 cisho ayaa waxaay manta ka soo sareen go,an ah in Beesha ay hal musharax uu uga qayb galayo dorashada Madaxweynaha Jubbaland.
Odayaasha ayaa waxaay sheegeen ka dib marki ay firiyeen dhinacyo badan islamarkana ay tartan siyeen 3 musharax ee ugu cad cad beesha absame ee kala ah Sh Axmed Madoobe Sh Shakuul iyo Prof Gandi ay odayaasha u garteen in u tartanka ka qayb galo Musharax Sh Axmed Madoobe.
Kadib go,ankaas ayaa waxaa si dag dag ah markiiba u qadacay Prof Maxamed Cabdi Gandi PROF KA oo la so xariiray Shabakada IDALENEWS aya waxaa u sheegay in go,aanka odayaasha usan ahayn mid cadaalad ah asagana ahana usan marnaba u hogaansami doonin.
Sido kale Sh Ibrahiim Shakuul ayaa asagu ka gabsaday in uu wax ka yirahdo Go,aanki ka soo baxay odayaasha beesha Absame waxaana uu sii labo jibaaray Olaolahiisa doorashada asago awooda saraya in u noqdo Musharax madax banan.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii ugu danbeyay soo garayay Musharaxiin aad u badan kuwaas oo donaya in ay qayb ka qataan dorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Magaalada Kismaayo.
Idale News Muqdisho