Shir ay magaalada Muqdishu ku yeesheen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ayaa looga hadley arrimo ku saabsan faragelinta dowlada Kenya ku hayso maamul u sameynta Jubooyinka ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirkaas oo si kulul loogu weerarey Kenya ayaa ku soo aadaaya iyadoo magaalo xeebeedka gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo uu ka soconaayo shirweyne dowlad goboleed loogu sameynaayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.