Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada al-Shabaab oo iminka ka socda Deegaanka Ufurow

0
215

iiiiii

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ufurow ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu dhex maray Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo Maleeshiyadda Alshabaab.

Dagaalka ayaa socda ilaa iyo iminka waxaana leysu adeegsanayaa Hubka fud fudud iyo kan Culus, iyadoona la sheegay inuu billowday salaaddii subax waxa uuna  xooggiisa ka socdaa Bartamaha Magaalada.

Zahra Dahir, oo ka mid ah dadka Deegaanka Ufurow, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijisay  in maleeshiyada al-Shabaab ay billowday inay ka baxdo qaybo ka tirsan Ufurow oo ay horay gabi-ahaan gacanta ugu haysay, waxayna sheegtay in Dagaalka xoogiisa ay wadaan Ciiddamadda Dowladda.

Dagaalka ayaa imaanaya ka gadaal markii Ciidamada dowladda ee Gobolka Baay ay bilaabeen howlgallo lagu xaalufinaayo Maleeshiyadda Alshabaab, iyadoo iminka ay Ciiddamadda Dowladda Somaia gacanta ku dhigeen inta badan Gobolka.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee Dagaalkaasi ka dhashay, iyadoona ay wararku sheegayaan in Saraakiisha Dagaalka ay mamnuuceen in Warbaahinta ay siyaan warar dheeri ah oo Dagaalka ku saabsan.

Idale News Muqdisho