Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Jawaari oo hambalyo u diray Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0
220

Sawirka Gudoomiyaha ee Hambalyada

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hambalyo u diray Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed isaga oo ugu hambalyeeyey sanad guurrada 53aad ee
kasoo wareegatay aas aaskooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “maanta waa 12ka April waa sanad guurradii 53aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaanna Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaan leeyahay HAMBALYO”.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku ammaanay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida geesinimada leh ee ay cadawga uga xoreeyeen gobollada Dalka waxaana uu talaabadaasi ku tilmaamay Gudoomiyuhu iney tahay geesinimo dheeraad ah maadaama ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed cadawga argigixisada ah dagaallo adag kala horyimaadeen
ayaga oo aanay heysanin tasiilaadkii loo baahnaa.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inuu ka shaqeeyo sidii si buuxda dib loogu dhisi lahaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed taasina ay u fuulayaan geed dheer iyo geed gaaban.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Alle uga baryey in geesiyaashii naftooda u huray in dalkooda ay cadawga ka xoreeyaan uu siiyo naxariistiisa jano, inta ku dhaawacantayna Alle uu caafimaad taam ah siiyo waxaana uu Gudoomiyaha ku dhiirageliyey Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iney howsha halkeeda kasii wadaan.

Codka Gudoomiyaha ee Hambalyada Ciidammada Xoogga Dalka

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Idale News Muqdisho