Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Magaaladaasi manta ay soo gareen wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAAD.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku so dhaweyay Masuliyiin ka tirsan Saxiixeysha Jubbaland iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo.
Wafdigaan ayaa marki ay soo gareen garoonka Kismaayo waxaay kulan kula yeesheen Masuliyiinta Maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo Masuliyiinta Maamul usameynta Jubbaland ayado kulan ka ka dib Wafdigaan lo kaxeeyay Xarunta Jamacada Kismaayo halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha Maamul usameybta Jubboyinka iyo Gedo.
Ma cada Ujeedada Boqashada Wafdigaan ee Magaaalada Kismaayo balse warar hoose oo ay heshay Kismaayo24 ayaa waxaay tibaxayaan in wafdigaani ay u socdan in ay soo afjaraan kala aragti duwanan soo kala dhex gashay Gudiga Farsamada iyo Saxiixeyaasha Jubbaland taas oo ku sabsan qaabka lo doranayo Madaxweynaha Jubbaland.
Idale News Muqdisho