QM oo ugu baaqday Beesha Caalamka in Somalia laga taageero Dhinacyada Militeriga iyo Siyaasadda

0
229

YYUY

Ergayga Gaarka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Dr Agustine Philip Mahiga, ayaa ku booriyay Beesha Caalamka inay kordhiyaan Taageerada Siyaasadda iyo Militeriga ee wax looga qabanayo Ammaanka Dalka Somalia.

Ergayga ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimadda Dalka Tanzania ee Dar es Salaam, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Somalia ka soo kabaneyso Dagaaladii hubeysnaa, iyadoo Xaaladda Magaaladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Somalia uu isbedel nabadeed ka jiro.

Mahiga wuxuu tilmaamay in Ciiddamadda AMISOM, siiba kuwa ka socda Dalalka Burundi iyo Uganda ay ka saareen Maleeshiyadda Alshabaab Magaaladda Muqdisho iyo qeybo ka tirsan Somalia.

‘’Ciiddamadda Burundi iyo kuwa Uganda waxay qabteen Hawl wanaagsan iyagoo isticmaalayo hub fudud kana hortageen Maleeshiyadda Alshabaab oo iyagu aad u hubeysnaa isla markaana heystay dhaqaale ay ku maamulaan inta badan Somalia’’ ayuu yiri Mahiga, oo intaa ku daray inay  Ciiddamadda Kenya dhinaca Cirka iyo Badda ka duqeeyeen Kooxda Alshabaab oo haatan goobo fara ku tiris ah ka jooga Somalia.

Ergayga waxa uu baaqiisa kaga codsaday Beesha Caalamka in Somalia la siiyo qalab militeri oo culus ay ka mid yihiin Helicopters, Diyaaradaha Dagaalka, Qoryaha iyo Gaadiidka Militeri.

Mahiga waxa uu xusay in loo baahan yahay ugu yaraan 37,000-Askari in lagu soo kordhiyo Hawlgalka Somalia, iyadoo tirade Ciiddamadda AMISOM haatan tahay 17,600-Askari.

Dhinaca kale, Ergayga QM, waxa uu ka hadlay kulanka ay Dowladda Britain qabanqaabineyso oo looga hadlayo Arrimaha Somalia, wuxuuna xusay in Deeq bixiyayaasha Caalamka ku soo bandhigi doonaan Taageerada Dowladda Somalia laga  siinayo Arrimaha Ammaanka, Maliyada, Garsoorka iyo dib u dhiska Ciiddamadda Qaranka.

Idale News Muqdisho