Madaxweynaha Dowladda Uganda Yugand Musafani, ayaa Ballan qaad u sameeyay Wafdigii uu Hoggaaminaayay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia oo maalmahaani socdaal ku joogay Dalka Uganda.
Ra’isul wasaare Saacid oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Yugand Musafani, ayaa waxa uu uga faalooday Xaaladda ay ku sugan yihiin Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo halka ay ka gaarsiisan yihiin dhanka Tababarka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Somalia ayaa isaguna Yugand Musafani, u bandhigay Kaalinta Wasaaradiisu kaga aadan dhismaha Ciiddamadda iyo waxyaabaha ay ka codsanayaan Dowladda Uganda, intaa kadib Yugand Musafani ayaa u Bullan qaaday dowladda Soomaaliya in ay sin doonaan Hub iyo Saanad Milatari Kuwaasi oo dib Loogu qalabeeyo Ciidanka Xooga Soomaaliyeed,
Yugand Musafani, ayaa dhanka kale, Ra’isul wasaaraha u sheegay in Xukuumadda Kambaala ay diyaar u tahay ka qeybqaadashada dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed oo Muddo dheer Saanad Milatari aan Helin, wuxuuna Gaashaanka ku dhuftay inay Qalab Militeri u qeybin doonaan gabi ahaan Ciiddamadda Dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga Mahad Celiyay dowladda Uganda sida ay u Garab taagantahay Soomaaliya isagoo Carabka ku dhuftay in Ciidamada Uganda ay dowr wacan ka qaateen Soo Celinta Nabadda Soomaaliya.
Idale News Muqdisho