Muqdisho(INO)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa diiwaan gelinta musharixiinta dooneysa xilka guddoonka xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka.
Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka aqalka sare ayaa sheegay in maanta ay u fariisan doonaan inay diiwaan geliyaan musharixiinta dooneysa inay hogaamiso xildhibaanada aqalka sare.
Diiwaan gelinta musharixiintaasi ayaa socon doonto ilaa maalinta Khamiista oo ay taariiqda ku beegan tahay 19 bisha Janaayo.
Sida jadwalka ay kusoo saareen guddiga doorashada aqalka sare, waxaa maalinta sabtida khudbadaha laga dhageysan doonaa musharixiinta dooneysa xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.
22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Axada ayaa waxaa dhici doonta doorashada guddoonka aqalka sare, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka aqalka Sare.
Idale News Online, Muqdisho