Warbixin: Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen saldhiga deegaanka Ceel-cadde oo sanad jirsaday

0
204

Muqdisho(INO)—Muddo hal sano ah ayaa kasoo wareegatay markii ciidamo taabacsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen saldhigii ciidamada Kenya ay ku lahaayeen gobolka Gedo.

Ilaa iyo hadda dowladda Kenya ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee looga dilay weerarkii sanad ka hor ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Laakiin Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay xiligaasi TV-ga Somali Cable ku sheegay in boqol askari Kenya looga dilay weerarkaasi.

Al-shabaab oo weerarka ka dambeeyay waxay sheegeen inay ku dileen deegaanka Ceel-cadde inka badan 200 oo askari Kenyan ah.

Waxaa kale oo jiray askar Kenyan ah oo nolosha Al-shabaab ay ku qabteen kuwaasi oo sanadkii hore lasoo bandhigay, iyaga oo codsiyo u dirsanaya dowladda Kenya.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo Al-shabaab ay la eegtaan ciidamada AMISOM ee kusugan dalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa sanadkii 2011 soo galay gudaha dalka Soomaaliya, kamana tirsaneyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socday tan iyo sanadkii 2007-dii, walow markii dambe lagu biiriyay howlgalka AMISOM.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo ayaa 10 sano jirsaday.

Dowladda Kenya ayaa wali qarineysa tirada rasmiga ee lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa weeraro ka geystay dalka Kenya, waxaana lagu xasuustaa weerarkii dhismaha ganacsiga ee Westgate iyo weerarkii Jaamacada Gaarisa.