Guuleed Oo Bilaabay Qorshe Kasta oo Uu Ku Meelmarin Karro Siyaasada Dam Jadiid

0
219

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si deg deg ah ugu laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii 12-kii bishan kooxdiisa jab siyaasadeed uu ka soo gaaray Hardan adag oo ay ku galeen xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, loogana guuleystay qeybaha hor ee Doorashada hadda socota.

Cabdikariim ayaa la rumeysan yahay in uu yahay Saaxiib dhaw la yahay Siyaasiin iyo mudanayaal kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka maqnaa Muqdisho xiligii kala guurka ama habeenkii kala gadasha Xildhibaanada codadkooda ee 12-ka January 2017.

Madaxweyne Guuleed ayaa qeyb weyn ka ciyaaray soo bixitaankii 12 September 2012-kii ee Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo keentay in uusan marnaba ka dhex bixin xeyn-daabka siyaasadeed ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadda bilaabay qorshe kasta oo uu ku meelmarin karro siyaasada Kooxdiisa Dam Jadiid, wuxuuna dadaalkiisa hadda ka bilaabay Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee lagu loolami doono doorashada nagu soo aadan.

Ugu Dambeyntii, Mooshin laga keenay oo xilka looga qaaday, ayuu si deg deg ah ugu duulay Cadaado sadex berri ka hor, laakiin waqti dheer kuma bixin dajinta Xiisadda Cadaado, isagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho, si loo guuleeyo kooxda qorshaheeda oo hadda dagaal adag wajahaysa.