Shirka IGAD oo dib u dhac ku yimid iyo Xukuumadda Somalia oo kasoo horjeesatay arrintaasi.

0
201

Igad

Iyadoo lagu balansanaa in Magaaladda Addis Ababa ee Cariga Dalka Ethiopia uu ka furmo Shirka Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa dib u dhaca ku yimid Shirkaasi kadib markii Kenya ay codsatay in shirka dib loo dhigo.

Shirka ayaa waxaa lagu waday inay isku arkaan Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD, iyadoona Shirka oo qabsoomiddiisa ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadli lahaa xaaladda ugu dambeysay ee Soomaaliya gaar ahaan maamul u sameynta gobollada dalka.

Dib u dhaca Shirka ayaa yimid ka gadaal markii Xukuumadii hore ee Kenya ku dooday inay ku mashquulsan tahay Dhismaha dowladda cusub balse Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka ayaa kasoo horjeesatay arrintaasi oo ugu dambeyn lagu xaliyo in la aqbalo codsiga Kenya.

Dowladda Kenya ayaa codsatay dib u dhigista kulanka iyadoo sheegtay inuusan dalka haatan lahayn wasiir arrimo dibadeed oo ka qeyb-gali kara kulanka.

Kulanka IGAD Lama shaacin xiliga uu dib u bilaabmayo Shirka oo looga hadli lahaa caqabadaha dhinaca Ammaanka ee ka jira Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa.

Warar ayaa sheegaya in laga yaabo in kulanka loo wareejiyo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kaddib dhaarinta Uhuru Kenyatta.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somalia ayaa aaminsan in Caqabada hortaagan ay tahay Kenya, iyadoona iminka isku dayeeyso inay baajiso Shirka lagu balansanaa Maadaama Kenya ay ogsoontahay inay hortaagan tahay isbedelka Siyaasadeed ee Somalia taasoo la rumeysan yahay in Kenya ay ka carareyso kulanka IGAD oo Baaqashadiisu ay sabab u tahay.

Idale News Muqdisho