Dhageyso+Sawiro: AMISOM Oo Deeq Raashin Ah Ugu Qiibisay Barakacyaal Ku Dhibaateysan Baydhaboh

0
238

Baydhabo(INO)- Ciidamada AMISOM qeebta Sadaxaad ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Maanta waxa ay Qoysas Barakacyaal ah oo ka soo Barakacay Deegaanadana hoos yimaada Degmada Baydhabo kuwasoo saameeyay Abaaraha iyo Biya la’anta ka jirta Gobolada KGS ayey u qaybiyeen deeq raashiin ah qoysas kasoo tiradooda gaarayso 170 oo laga soo kala xulay Kaamamka Cusub ay daganyihiin. kuwaa soo aad u tabaalaysnaa.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Raashiinkaan loo qaybiyay Barakacyasha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalad Cabdullahi Cali Watiin , Wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka KGS Xasan Xuseen (Xasan Elaay), Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bay iyo gudoomiyaha Haweenka Gobolka Bay, General ASirte iyo korneel Tekele oo u qaabilsan Ciidamada AMISOM ee qeybta sedaxaad wacyigalinta iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil ciidan oo ka socda AMISOM sector 3.

Rashiinka loo qeybiyee Qoosaska 170-ka qof ah ayaa kala ah Bariis, Bur, Sukor, Baasto Makarooni , Baasto dhaadher , cabitaanka khudaarta ah, Baasbaas Iyo Yaanyada Gasacyada ku jirto iyo Digirta fuulka ah.

Ugu dambeyntii, General ASirte ayaa waxaa uu sheegay inay deeqdani iska soo aruuriyeen Cidamada AMISOM ee Itobiya oo Mushaarkooda ka jaray ugana yabooheen qoosaska saameyay Abaaraha ka jira Dalka.

Halkan Ka Daawo Sawiro