Xildhibaanada oo dhageysanaya khudbadaha musharixiinta guddoomiye ku xigeenada

0
224

Muqdisho(INO)—Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii wadaya dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Musharixiinta ugu badan ee maanta khudbadaha jeedinaya ayaa ah kuwa doonaya xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay waxay xildhibaanada dhageysteen musharixiinta dooneysa xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka koowaad, kuwaasi oo balanqaadyo kala duwan sameeyay.

Maanta ayaana la filayaa in lasoo gabogabeeyo dhageysiga khudbadaha musharixiinta ay ku shaacinayaan waxqabadka ay la imaanayaan.

Waxaa kadib loo diyaar garoobayaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Muqdisho.