Baydhabo(INO)- Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Bay ayaa maanta xukun ku riday Saddex Askari oo labo ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidanka Koonfur Galbeed, halka Askariga Saddexaadna uu ka tirsan yahay Ciidanka Badda Soomaaliya.
Askartan ayaa Labo ka mid ah waxaa lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah uga tageen Difaaca Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay, halka Askariga Saddex aadna lagu eedeeyay in uu iibsaday Qorigiisa.
Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Bay ayaa Hal Sano oo xabsi Ciidan waxa ay ku riday Askartan, sida uu ku dhawaaqayo Guddoomiyaha Maxkamadda Aadan Abuukar Maxamed.
Sidoo kale Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Bay ayaa maanta fasaxday Labo Askari oo lagu eedeeyay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ay ku dileen dad shacab ah, laakiin lama helin marqaati ku cadeeyay Maxkamadda horteeda, sidaasi darteedna Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu ku dhawaaqay in Askartaasi ay yihiin fasax.