Daawo: Musharax Prof. Jawaari Oo 10,000 Ugu Yaboobay Guddiga Gurmadka Abaaraha

0
222

Muqdisho(INO)- Guddiga abaaraha Qaranka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan, musharixiinta Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada, kuwaasi oo ay ujeedoodu ay tahay in ay ka qeyb qaataan gurmadka Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Kulankii u horeeyay ayaa xubnaha guddiga waxa ay la qaateen, Xildhibaan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar oo labaduba u sharaxan xilka Guddoomiyaha Barlamanka.

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku yaboohay guddiga 10,000 oo dollar halka Idriis Cabdi Dhaqtar uu bixiyay 1,000 Dollar oo loogu tala galay abaaraha.

Xildhibaan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in kaalintiisa uu ka qaato gurmadka, uuna rajeyno deeqdaan la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Dhanka kale Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar ayaa ku booriyay Xildhibaanada kale in ay ka qeyb qaataan samafalka dadka la tacaalaya abaarta.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed oo xubin ka ah guddiga Abaaraha ayaa ku boorisay bulshada in laga wada qeyb qaato abaarta.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Culimada, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhankiisa ifiyay waxa ay shareecadda Islaamka ka qabto, bulshadana ku booriyay inay ka qeyb qaataan gurmad gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay.

Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Axmed Baafo oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa kaga mahad celiyay musharaxiinta Guddoomiyaha barlamaanka sida ay uga  jawaabeen baaqooda.

Ugu dambeyntii, Tan iyo markii ay abaarta ku dhufatay gobolo badan oo ka tirsan Dalka, waxaa soo baxayay baaqyada ay jeedinayaan  qeybaha bulshada ee loogu gurmanayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen.