Afgooye (INO)—Ciidamo ka tirsan militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in isbaarooyin horleh ay soo dhigteen inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Sh.Hoose.
Guddoomiye Ku Xigeenka Maaliyada ee Maamulka Gobolka Sh.Hoose, C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Ciidamo gadoodsan oo ka mid ah kuwa militariga Soomaaliya ay ku soo dhigteen ku dhawaad 10 jidgooyo.
Gudoomiye Cabdifitaax ayaa waxuu shaaca ka qaaday in isbaarooyinkan ay soo dhigteen Ciidamada militariga Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in aysan qaadan wax mushaar ah.
Xiriiro kala duwan aanu la sameeyay Saraakiisha Militariga Soomaaliya ee Gobolka Sh.Hoose qaarkood ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno si aan wax badan uga weydiino arimaha ku saabsan gadoodka ay sameeyeen Ciidamada militariga.
Dhawaan ayee aheyd markii banaanbaxyo looga soo horjeedo isbaarooyinka xad-dhaafka ah ee la soo dhigay Degaanada Gobolka Sh.Hoose ay ka dhaceen Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.