Baydhabo (INO)—Xildhibaan Amiin Maxmed Faarax oo Ka Mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn dusha kaga tuuray Madaxweynaha Koonfur Glabeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan
Xildhibaanka ayaa Sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya uu hor istaagay Kalfadhiyada Xildhibaanada Barlamaanaka Isagoona Carabaka ku dhufatay in Magaaalada Baydhabo ay ku diyaarinayaan Mooshin Xilka Looga Qaadayo Shariif Xasan Sheekh Adan
Sikastaba, Xildhibaankani ayaa waxuu uu Sheegay in ay Magaaalada Baydhabo ka wadaan Abaabulo Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyanaha Maamulkaasi islamarkaana Xildhibaanada intooda Badan ay ka soo hor jeedaan Madaxweynaha Maamulkaasi.