Baydhabo(INO)– Kulankan oo ay Ganacstada iyo Culumaa’udiinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay uga hadleen abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfur Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada, iyagoo ugu baaqay bulshada KGS, Ganacsatada Gobolka in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynaya abaaraha ka jira Degaanada KG Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada KG Soomaaliya, Ganacsato iyo Waxgarad. waxaana intii uu socday kulanka diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee looga qeyb qaadan karo gurmadla loo sameynaya dadka iyo duunyada ku nool gobollada ay ku dhufatay abaaraha.
Sheekh Xasan Ibrahim C/laahi (Sh. Xasan Gaab) oo isna ka hadlay ayaa ku booriyay Umadaha muslimiinta iyo Ganacsata inay soo caawiyaan dadka
Ugu dambeyntii, 2011kii ayey aheyd markii abaaro nuucaani oo kale ay ku dhufatay qaar ka mid ah gobolada dalka, taasoo waxyeleysay dadka iyo duunyada.