Daawo: Xildhibaan Yacquub Cali ” Is Sharaxaada Jawaari Waxay Dhabar-Jab Ku Tahay Qadiyada Bulshada KGS”

0
213

Baydhabo(INO) –Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamankada Federaalka Soomaliya ee ka soo jeeda Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtey Magaakada Muqdisho ayaa nasiib daro ku tilmaaney  Musharaxnimada Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ee Kursiga Gudoonka BFS.

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed ayaa sheegey in is sharaxaad Prof. Jawaari ay dhabar jab ku tahay Qadiyada iyo Siyaasada Bulsahda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo inta mudo ah ku sumudeysanaayeen Kursigaas.

Waxa uu xusey in mudo ah in laga fekireyay in kuraasta Sar sare Ee Dowlada ay wareegataan isla markaana Beelah kolba mid ay helaan.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Idale News Online, Baydbabo