Dhageyso: Diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka baarlamaanka oo maanta bilaabaneysa

0
210

Muqdisho(INO)- Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 03 Janaayo in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 5 Bisha Janaayo oo Maalinta Khamiista ku beegan in la diiwaan gelinayo Musharaxiinta tartameysa.

Waxa uu sidoo kale rajo Wanaagsan ka muujiyay in waqtiga ay u qorsheeyeen doorashada Guddoonka Baarlamaanka in ay ku dhacdo isla markaana aysan jiri doonin wax dib u dhac ah.

Waxa uu xusay in Guddigooda ay shaqada ugu eg tahay markii la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiis Koowaad iyo Labaad.

Guddigaan loo xil saaray qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadisa ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 Xubnood, Waxaana shaqada loo igmaday ay tahay keliya qaban qaabada iyo agaasinka Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.