Aqriso:Lix ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo baaq deg deg u diray Golaha Ammaanka ee QM

0
267
?????????????????????????????????????????????????????????

Muqdisho(INO)— Lix ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha ayaa ka hor-yimid go’aanadii 24-kii bishan ka soo baxay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran, kaasoo 18 xubnood loogu kordhiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

War saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha sida C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/llaahi Dani, Maxamuud Axmed Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay walaac ka muujiyeen go’aanadii Madasha ee hareer marsanaa dastuurka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo 54 xubnood oo Aqalka Sare ah, isla markaana aanay macquul aheyn in 72 xubnood laga dhigo, waxaana ay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintan ee kordhinta Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa ay wax lala yaabo ku tilmaameen in 18 xubnood ay soo xulaan Madaxda maamul goboleedyada, kaddibna uu saxiixo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisa dhamaaday, waxaana arrintan ku tilmaameen mid lagu boobayo doorashooyinka dalka.

Musharaxiintan ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay si deg deg ah u soo fara geliyaan, aysan ogolaan in go’aanada Madasha ay mugdi geliyaan Mustaqbalka iyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-

baaq-musharaxinbaaq-musharaxin1